Isku xirrada

War Deg-Deg ah

40 maxbuus oo ku dhintay dab ka kacay xabsigii ay ku xirnaayeen


Ugu yaraan 40 maxbuus oo ku jiray xabsi ku yaal dalka Indonesia ayaa dhintay kadib markii dab uu ka kacay meel ay ku xirnaayeen kumanaan maxaabiis ah subixii hore Arbacada maanta ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caddaaladda Indonesia oo la yiraahdo Rika Aprianti ayaa sheegay in dabku ka billowday qeybta C ee xabsiga Tangerang, oo ku yaalla duleedka caasimadda Jakarta.

Aprianti ayaa sheegay in dabka la damiyay saacado badan kadib.

Ugu yaraan 80 maxbuus ayaa dhaawacmay, kuwaas oo ay ku jiraan siddeed aad u daran, oo loo qaaday isbitaal ku yaal Tangerang.

In ka badan 2,000 oo maxbuus ayaa xirnaa xabsiga Tangerang, iyadoo 122 maxbuus ay ku jireen qeybta uu dabku ka kacay ee C.

Aprianti ayaa sheegay in sababta dabkan oo geystay dhimashada badan ay ku socoto baaritaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG