DENVER —
Maxkamad ku taalla gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa horay xukun uga soo saartay dacwad u dhaxaysay shaqaale Soomaali Maraykan ah iyo shirkadda JBS oo ah shirkad hilibka sanceysa oo ay u shaqeynayeen.
Dacwadda ayaa la xiriirtay fasax xiliga salaadda oo markii dambe ay maxkamaddu dadka Soomaalida ah u xukuntay. Hadda waxa soo baxay faahfaahinta waxyaabo kale oo ay maxkamaddu xukuntay.
Arrimahaas ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Maxamed Cigaal oo ka mid ahaa dadkii shaqaalaha Soomaalida dacwadda ka caawinayey.