Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taalibaan 'oo guul ka gaartay' dagaalkii kooxda Ahmed Massoud


Ciidamada gaarka ah ee Taalibaan
Ciidamada gaarka ah ee Taalibaan

Kooxda Taalibaan ayaa maanta sheegatay inay si buuxda u maamusho Afghanistan, ayaga ku dhowaaqay inay ku guuleysteen dagaalkii muhiimka ahaa ee Dooxada Panjshir, oo aheyd halkii ugu dambeysay ee ay joogeen kooxo diidan xukunkeeda.

Kadib markii ay Afgahnistan inteeda kale qabsadeen, islamarkaana dalka ka baxeen ciidamadii shisheeye, Taaliibana ayaa u jeesatay dagaal ka dhan ah ciidamo mucaarad ah oo isku urursaday buuraha Dooxada Panjshir.

Taalibaan ayaa maanta guul ka sheegatay dagaalkaas, waxaana afhayeenkeeda uu ka digay isku dayo kale oo looga hor-imanayo xukunkooda, isaga oo ku booriyey ciidamadii hore ee amniga ee dalka inay kusoo biiraan taliska kooxda.

“Ayada oo aan gaarnay guushan, dalkeena waxaa si buuxda looga saaray dagaal halis ah,” ayuu yiri afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid, oo shir jar’aaid ku qabtay Kabul.

“Imaaradda Islaamiga ah aad ayey xasaasiyad uga qabtaa muqaawaminada. Qof kasta oo isku dayo inuu billaabo muqaawamanimo, si xoog leh ayaa loo dhufan doonaa. Mid kale ma ogolaan doonno,” ayuu yiri.

Sawir ay Taalibaan ku baahisay baraha bulshada ayaa muujinaya dagaalyahandeeda oo ku sugan xafiiska barasaabka gobolka Panjshir.

Jabhadda Iska-caabinta Qaranka (NRF) ee Panjshir -- oo ka koobneyd maleeshiyo diidan Taalibaan iyo ciidamadii hore ee Afghanistan -- ayaa Axaddii qiratay guul-darro xooggan, waxayna ku baaqeen xabad-joojin.

Kooxda ayaa Isniinta qoraal twitter ah ku sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay weli haystaan “goobo muhiim ah” oo ka mid ah dooxada, waxayna wacad ku mareen inay sii dagaalami doonaan.

Ciidamada NRF waxaa ku jira kuwa daacad u ah Ahmed Massoud – wiilka hoggaamiyihii caanka ah ee diidanaa soviet-ka iyo Taalibaan Ahmed Shah Massoud, iyo ciidan ka haray dowladdii hore ee Afghanistan.

AFP

XS
SM
MD
LG