Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isku day afgambi militari oo ka socda dalka Guinea


Alpha Conde
Alpha Conde

Ciidamo afgambi ka wada dalka ku yaalla galbeedka Africa ee Guinea ayaa muuqaal ay usoo direen wakaaladda wararka AFP ku sheegay inay gacanta ku dhigeen madaxweyne Alpha Conde, islamarkaana ay kala direen dowladdii.

Sidoo kale ciidamo kale oo ka hadlay taleefishinka dowladda ayaa sheegay in la baabi’iyey dastuurkii iyo dowladdii dalka.

Madaxa ciidamada gaarka ah ee militariga Guinea, Mamady Doumbouya oo hugan calanka Guinea, islamarkaana ay ku hareereysan yihiin sideed askari oo kale, ayaa taleefishinka ka sheegay inay qorsheynayaan inay dhisaan dowlad ku-meel gaar ah, ayna faah-fahain dheeri bixin doonaan goor dambe.

“Waxaan go’aansanay in kadib markii aan gacanta ku dhignay madaxweynaha inaan baabi’ino dowladda,” ayuu yiri Mamady Doumbouya. Mamady Doumbouya ayaa intaas ku daray in xuduudaha dhulka iyo cirka ee Guinea la xiray.

Hase yeeshee xaaladda dhabta ah ayaan weli kala caddeyn, ayada oo dowladda Conde ay sii deysay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in “la iska caabiyey,” weerar ay madaxtooyada kusoo qaadeen ciidamada gaarka ah ee dalka.

Muuqaal kale oo kooxda afgambiga ay usoo direen wakaaladda wararka AFP, ayaa muujinaya Conde oo u muuqda mid jahwareersan oo ku fadhiya kursi, kuna hareereysan yihiin ciidamada. Wuxuu diidayaa inuu ka jawaabo su’aal uu askari weydiiyey oo aheyd haddii si xun loola dhaqmay.

Diblomaasi reer galbeed ah oo ku sugan Conakry, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in xiisadda ay ka dhalatay kadib markii la eryey taliye sare oo ka tirsan ciidamada gaarka ah – taasi oo dhalisay in qaar ka mid ah askarta sida aad ah u tababaran ay gadoodaan, oo ay qabsadaan madaxtooyada.

Rasaas culus ayaa subaxnimadii Axadda ka qaraxday meel u dhow madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Conakry.

Madaxweyne Alpha Conde ayaa lagu doortay doorashadii ugu horreysay ee dimqoraadi ah ee Guinea ka dhacday 2010-kii.

AFP, REUTERS

XS
SM
MD
LG