Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia: Shixnado gargaar oo dheeri ah ayaa gaaray gobolka Tigray


Ethiopia ayaa Sabtida maanta sheegtay in in ka badan 150 gaadiid sida gargaar bani'aaadanimo uu labadii maalmood ee la soo dhaafay gaaray gobolka ay dagaalladu la degeen ee Tigray, ka dib markii Qaramada Midoobay ay ka digtay “masiibo ku soo fool leh” gobolkan ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan sheegay in “xannibaadda gargaarka” ee saaran gobolka ay uga sii darayso dhibaatada bini’aadanimo ee ka jirta Tigray iyo in malaayiin qof ay qarka u saaran yihiin gaajo.

Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku boorriyay dowladda Ethiopia in ay dardar-geliso dadaallada lagu xaqiijinayo in gargaar la gaarsiiyo gobolka oo ay dagaallo ka socdeen muddo 10 bilood ah.

Wasaaradda Nabadda ee Ethiopia ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in illaa toddobaadkii hore ay socdeen dadaallo lagu doonayo in “lagu fududeeyo dhadhaqaaqa gargaarka bani’aadamnimada” ee gobolka Tigray.

Bayaan ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayay ku sheegtay in ku dhowaad 500 oo baabuur oo raashin iyo gargaar kale ah ay galeen gobolka, waxaana ku jira 152 gaadiid oo gobolka tagay labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo goobaha baarista oo markii hore ahaa toddobo hadda lagu koobay laba koontorool.

Ku simaha Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobey ee Ethiopia, Grant Leaity, ayaa sheegay in qiyaastii 5.2 milyan oo qof, ama boqolkiiba 90 dadka ku nool gobolka Tigray, ay si degdeg ah ugu baahan gargaar, waxaana ku jira 400,000 oo durba wajahaya xaalado macluul u eg.

Malaayiin ayaa qarka u saaran gaajo, oo ay ku jiraan 1.7 milyan oo qof oo ku nool gobollada Canfarta iyo Amxaarada, hadalkiisa sii raaciyay.

AFP

XS
SM
MD
LG