Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo amray in dib u eegis lagu sameeyo galka baarista weeraradii September 11


Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar fulin ah oo uu ku amrayo hay’adda FBI-da in ay kala shaandeyso dukumentiyada la xiriira weeraradii argagixiso ee dhacay 11-kii September, 2001.

Amarkan oo soo baxay Jimcihii shalay ayaa taageero u ah qoysaska dhibbanayaashii weerarkaas oo muddo dheer raadinayay diiwaannada dhacdadaasi oo ay filayaan in laga heli doono ku lug ku yeelashada weerarkaas ee boqortoyada Sacuudiga.

Baaritaanno hore loo sameeyay ayaa lagu qeyxay in uu xiriirka ka dhexeeyay muwaadiniinta Sucuudiga iyo qaar ka mid ah afduubayaashii diyaaradihii weerarka lagu fuliyay, inkasta oo aan la xaqiijin in ay dowladda Sacuudigu wax lug ah ku laheyd.

Haddaba, Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa saameynta kala saarista dukumentiyadan waxa uu wedyiiyay garyaqaan Amiin Haaruun oo ah qareen deggan gobolka Minnesota ee Mareykanka.

Biden oo amray in dib u eegis lagu sameeyo galka baarista weeraradii September 11
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00


XS
SM
MD
LG