Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska New Zealand oo toogtay nin ay ku sheegeen inuu ahaa 'argagixiso'


Ra'isul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa xaqiijisay in boolisku ay dileen nin ay ku sheegtay inuu ahaa argagixiso ka tirsan ururka Daacish, kaas oo toorey ku weeraray dad ka adeeganaya dukaan ku yaal magaalada Auckland, kaddibna dhaawac u geystay lix qof.

Saddex ka mid ah dadkan ayaa dhaawacyadooda lagu sheegay kuwa halis ah.

Ra'isul Wasaare Ardern ayaa sheegtay in dhacdadan ay ahayd weerar argagixiso, iyadoo sheegtay in ninkani uu ahaa muwaadin u dhashay Sri Lanka oo ay dhiirigalisay kooxda Daacish, isla markaana ay aad u la socdeen dhaq-dhaqaaqiisa laamaha amniga.


Ardern, ayaa sidoo kale sheegtay in shaqsiyan iyada hore warbixin looga siiyay ninkan, laakiin aysan jirin sifo sharci oo lagu xiro.

"Haddii uu samayn lahaa wax noo oggolaan lahaa inaan xabsiga ku tuurno, wuxuu ahaan lahaa maxbuus xilligan," ayuu yiri Ardern.

Weerarkan ayaa ka dhacay dukaanka Countdown ee magaalada caasimada ah abbaare 2:40 duhurnimo.

Taliyaha booliiska Andrew Coster ayaa sheegay in kooxda dabagalka booliska iyo kooxda sida gaarka ah u tababaran ay ninka ka soo raaceen gurigiisa ilaa dukaanka, iyagoo markii hore u maleynayay inuu dukaanka ka soo adeeganayo.

“Dukaanka ayuu soo galay sidii caadiga aheyd ee uu hore u sameyn jiray, laakiin wuxuu midi ka soo qaatay isla dukaanka dhexdiisa" ayuu yiri Coster.

AP.

XS
SM
MD
LG