Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taalibaan 'oo hareereysay' gobolka kaliya ee ka soo horjeeda xukunkeeda


Taalibaan ayaa ku dhawaaqaday inay hareereesay gobolka kaliya ee ka soo horjeeda xukunkeeda, sida uu sheegay hogaamiye sare oo ka tirsan Arbacadii, isagoo ugu baaqay fallaagada inay wadahadal la galaan Taalibaan.

Tan iyo qabsashadii Kabul bishii Agoosto 15-keedii, gobolka buuraleyda ee Panjshir ayaa ahaa gobolka kaliya ee ka soo horjeeday Taalibaan, in kasta oo uu sidoo kale dagaal ka dhacay gobolka Baghlan ee dariska la ah oo u dhexeeyay Taalibaan iyo maleeshiyada deegaanka.

Ciidan uu hoggaaminayey Ahmad Mascuud, oo uu dhalay hoggaamiyihii hore ee caan ahaa ee la dagaallamay Taalibaan Ahmed Shah Masoud iyo dhowr kun oo ka tirsan malayshiyaadka dooxada Panjshir iyo sidoo kale haraadiga ciidankii Afghanistan ayaa la dagaallamayay Taalibaan.

Khudbad la duubay oo uu kula hadlaayay dadka reer Afgaanistaan ee gobolka Panjshir, ayaa hogaamiyaha sare ee Taalibaan Amir Khan Motaqi ugu baaqay in kooxda ka soo horjeeda ay dhigaan hubka.

“Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay hoy u tahay dhammaan dadka reer Afgaanistaan,” ayuu yiri.

Kooxda Taliban ayaa cafis u fidisay dhammaan dadka reer Afgaanistaan ee la shaqeeyay ciidamada shisheeye 20-kii sano ee la soo dhaafay, laakiin dad badan oo ka baqaya aargudasho ayaa ku sii qulqulaya xudduudaha, iyagoo isku dayaya inay ka cararaan waddanka aan badda laheyn.

Motaqi wuxuu sheegay in Taalibaan ay dadaal badan samaysay si ay wadaxaajood ula gasho hoggaamiyeyaasha xoogagga mucaaradka ee Panjshir, laakiin wuxuu sheegay inaan wax natiijo ah laga gaarin, taas oo uu ku tilmaamay "nasiib darro".

Taalibaan ayaa afarta dhinaca ciidammo ka dhigtay gobolka Panjshir, waxayna ugu baaqeen xoogagga ka soo jorjeeda inaysan jirin sabab ay u dagaallaamaan, maadaama sida uu Motaqi sheegay aan laga adkaan karin Taalibaan.

Reuters

XS
SM
MD
LG