NAIROBI —
Hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa kulan la qaatay ganacsatada Soomaalida ee Nairobi, waxaana kulankaas ku saabsanaa hadal maalin dhaweyd uu jeediyay Raila oo ay ka Caroodeen qaar ka mid ka soo jeeda Ismaamulka Mandheera.
Haddaba wariyaha VOA ee Nairobi Intisaar Saalax Xuseen ayaa ka wareysatay Xoghayaha gudigga ganacsatada Islii Cumar Axmed oo kulanka goob ka ahaa, waxayna wax ka weydiisay waxyaabihii ay kawada hadleen labada dhinac.