Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey iyo Imaaraadka Carabta oo isku soo dhowaanaya


Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa markii u horreysay muddo fog khadka telfoonka kula hadlay dhaxal-sugaha Imaaraatka Mohammed bin Zayed Al Nahyan, waxaana tani ay muujineysaa in uu soo hagaagayo xiriirka labadan dal.

Turkiga iyo Imaaraatka ayaa sanooyinkan danbe waxaa xiriirkooda hareeyay khilaafaad kala duwan oo ay ka mid yihiin dagaalka Libya, iyadoo sidoo kale uu Turkiga taageeray dalal badan oo uu ka dhacay kacdoonkii Carabta, oo Imaaraatkuna ka soo horjeestay.

Haddaba, waxa ay labada dal isku hayaan, iyo sida ay ku xallin karaan ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan weydiiyay Cabdirisaaq Suleymaan Qoorsheel oo ah gorfeeye arrimaha bariga deggan kuna sugan magaalada Qaahira.

Turkey iyo Imaaraadka Carabta oo isku soo dhowaanaya
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:00 0:00


XS
SM
MD
LG