Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu Putin ku macneeyey 20-kii sano ee Mareykanka ee Afghanistan?


Vladimir Putin
Vladimir Putin

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta sheegay in ololihii 20-ka sano socday ee Mareykanka ee Afghanistan uu ku dhammaaday “kaliya musiibo iyo khasaarooyin.”

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa wuxuu taariikh u leeyahay inuu dalalka Reer Galbeedka ku cambaareeyo inay isku dayaan inay qiyamkooda ku qasbaan dalalka aan galbeedka aheyn.

Moscow ayaa sidoo kale si joogta ah u cambaareysay siyaasadda Mareykanka ee dalka Afghanistan, oo hadda ay maamulaan kooxda Taalibaan oo la wareegtay laba toddobaad kahor ka bixitaanka Mareykanka ee 31-kii August.

Putin ayaa maanta sheegay in ciidamada Mareykanka ay isku dayeen “inay xeerarkooda ku qoraan” Afghanistan muddo 20 sano ah, taasi oo uu ku macneeyey mid aan waxtar laheyn.

“Natiijada waxay noqotay kaliya musiibooyin, kaliya khasaarooyin gaaray kuwii sameeyey, ee Mareykanka, iyo kasii daranee shacabka ku nool dhulka Afghanistan.”

“Macquul maaha in la isku qasbo waxa banaanka laga keenay,” ayuu yiri Putin.

Putin ayaa ka hadlayey kulan uu la yeeshay dhallinyaro ku sugan magaalada ku taalla Bariga Ruushka ee Vladivostok, oo uu kaga qeyb-galay munaasabadda furitaanka sanad dugsiyeedka cusub.

Toddobaadkii tegay Putin ayaa sheegay in Russia aysan faro-gelin doonin Afghanistan, oo ay Moscow cashar ka baratay qabsashadii Midowga Soviet ee dalkaas.

AFP

XS
SM
MD
LG