Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Sweden


Dilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan ayaa sii kordhaya, waxaa ugu dambeeyay wiil habeenimadii ay Isniintu soo geleysay lagu dilay degmada Hjulsta oo ku taalla Stockholm.

Hore waxaa dalka Sweden loogu diley dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhow 30-meeyo laga soo billaabo 2015-kii. Sagaal dhallinyaro oo ayaa sidoo kale dhaawacyo isu geystay.

Dhinaca kale, waddamada galbeedka waxaa ka jira in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, oo siyaabo kala duwan ay isugu dila ama loogu diley.

Sheekh Xuseen Faarax Xaaji Warsame waa imaamka Masjidul Nuur oo Soomaalidu maamusho kuna yaala xaafada Rinkybay ee Stockholm. Wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Cabbdixaafid Cawil Ismaaciil ayuu uga warramay dilkii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Stockholm.

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Sweden
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00


XS
SM
MD
LG