Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo xaqiijiyay inuu soo dhammaaday joogitaankiisii militari ee Afghanistan


Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagaboobay joogitaankoodii militari ee waddanka Afghanistan, waxaan diyaaradihii ugu dambeeyay ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Kabul hal daqiiqo kahor saqdii dhexe ee Kabul.

Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhaawaay in Mareykanku soo gabagabeeyay howlgal militari oo qaaday 20 sano.
Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa VOA -da u sheegay, "Dhammaan xoogaggii ajinabiga ahaa ee dalka qabsaday waxay daqiiqado kahor ka baxeen dalka."

Madaxa diblomaasiyiinta Mareykanka ee Afghanistan, Ross Wilson ayaa soo raacay duulimaadkii ugu dambeeyay ee C-17.

Hawlgalka ka bixitaanka Mareykanka ayaa dhammaaday kahor wakhtigii uu cayimay Madaxweyne Joe Biden oo ku beegan saqda dhexe ee Talaadada.

ku dhawaaqista duulimaadyadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ayaa yimid iyadoo dhinaca kale Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ay ballanqaadeen inay sii wadi doonaan caawinta daadgureynta dadka Mareykanka ah iyo dadka reer Afghanistan ee nugul ee ku sugan Kabul ilaa “dhammaadka,” iyagoo ku tilmaamay daadgureynta inay tahay duulimaadkii ugu weynaa ee taariikhda militariga Mareykanka.

Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaa sheegay in ilaa horraantii Isniinta, in wadar ahaan 116,700 oo qof la daadgureeyay kadib markii Taliban ay la wareegtay Afghanistan horraantii bishan.

'Waxaa jirta murugo badan oo la xiriirta ka bixitaankeenna. Ma aynaan soo saarin dad badan oo doonayay inaan ka soo saarno Afghanistan. Haddii aan sii joogi laheyn 10 maalmood oo kale qof kasta dibadda ayaan u soo saari laheyn" ayuu McKenzie u sheegay wariyeyaasha.

Madaxweynaha Mareykanka, Biden, ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay xubnaha xisbigiisa iyo kan Jamhuuriga sida uu u maareeyay Afghanistan tan iyo markii Taaliban ay si degdeg ula wareegtay magaalada Kabul.

Warbixintan waxaa ku jira macluumaad aan ka soo xiganay Reuters.

Wixii warar ah ee ku soo kordha Afghanistan halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG