Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safaaradda Mareykanka ee Kabul oo digniin culus soo saartay


Dhowr saacadood kadib markii Madaxweyne Joe Biden uu sheegay in weerar kale oo lagu qaado garoonka diyaaradaha ee Kabul ay u badan tahay inay dhacaan 24 ilaa 36 saacadood ee soo socoda, ayaa Safaaradda Mareykanka ee Kabul ku boorrisay muwaadiniinta Mareykanka inay ka baxaan garoonka diyaaradaha.

Digniinta amni ayaa ku boorrisay dadka Mareykanka inay ka fogaadaan agagaarka garoonka diyaaradaha, waxayna safaaraddu sheegtay in si degdeg ah looga baxo agagaarka garoonka, gaar ahaan albaabka Koofureed, agagaarka Wasaaradda cusub ee Arrimaha Gudaha, iyo iridda u dhow Kaalinta Shidaalka ee Panjshir ee dhinaca waqooyi -galbeed.

Biden ayaa bayaan uu Sabtidii soo saaray ka digay weerarro ay suuragal tahay in lagu soo qaado garoonka Hamid Karzai ee magaalada Kabul, xilli ay gabaabsi mareyso ka bixitaanka Mareykanka iyo xulufadiisa iyo daadgureynta muwaadiniintooda iyo dadka reer Afghanistan ee ka baxsanaya xukunka Taalibaan.

Digniintan ayaa imaaneysa laba maalmood kaddib qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 170 qof oo u dhashay Afghanistan iyo 13 askari oo Mareykan ah.

Biden wuxuu sheegay inuu taliyeyaasha ciidmaada Mareykanka ku amray ilaalinta askarta Mareykanka ee ku sugan garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai, maadaama daadgureyntii dadkii tirada badnaa ay dhammaad ku dhowdahay, Isla markaana ciidamada Mareykanku ka baxayaan garoonka.

Qiyaastii 2,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay Kabul 12-kii saac ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Aqalka Cad.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in tan iyo 14-kii Agosto, in Mareykank uu daadgureeyay ama gacan ka geystay daadgureyntooda qiyaastii 113,500 oo qof. Tan iyo dhammaadkii bishii July, Mareykanka ayaa dib u dejin u sameeyay 119,000 oo qof.

XS
SM
MD
LG