NAIROBI —
Ganacsiga Soomaalida, gaar ahaana kan guryaha ayaa beriyihii lasoo dhaafay kusii fidayay degmooyinka kala duwan ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ganacsigan ayaa waxa inta badan maalgashanaya, gacantana ku haya gacansato qurbajoog Soomaaliyeed ah oo dib ugu soo laabtay Geeska Africa.
Ganacsata maalgashiga ka wada magaalada Nairobi waxaa kamid ah Cabdiqaadir Axmed Muudeey oo ka yimid UK, islamarkaana maalgashaday shirkadda guryaha dhista ee Sell Push oo uu ka hirgaliyay Nairobi.
Haddaba maxay tahay faa’idooyinka uu ganacsigani uu u leeyahay bulshada Soomaalida Kenya?
Cabdiqaadir Muudeey ayaa hormarka ay qurbajoogta Soomaaliyeed kusoo kordhiyeen dalka Kenya uga warramay wariyaheenna magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.