Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran: Dalabka Biden ee Nukilyeerku waxa ay la mid yihiin kuwii Trump


Iran's Supreme Leader Ayatollah Ali Khamenei
Iran's Supreme Leader Ayatollah Ali Khamenei

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Sabtida maanta ah ku eedeeyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in uu sameynayo dalabyo la mid ah kuwii madaxweynihii isaga xafiiska kaga horreeyay Donald Trump ee wadahadallada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiskii nukliyeerka.

Heshiiskaasi quwadahada dunida oo u oggolaanayay Iran in laga qaado cunnaqabateynada taa beddelkeedana ay joojiso horumarin barnaamijkeeda nukliyeerka ayaa waxaa carqaladeeyay go’aankii uu Trump uga saaray Mareykanka heshiiskaasi sanadkii 2018-kii.

Wareegii ugu dambeeyay ee wadaxaajoodka lagu doonayo in heshiiskii 2015-kii lagu soo nooleeyo una dhexeeya Iran iyo dalalka wali ku jira heshiiskaasi ayaa soo gabagaboobay bishii June iyadoo aysan muuqan waqtiga dib loo sii ambaqaadi doono.

“Maamulka hadda ee Mareykanka ma aha mid ka duwan kii hore, maxaa yeelay waxa uu Iran ka dalbanayo marka laga hadlayo arrinta nukliyeerka hadal ahaan waa ka duwan yihiin, laakiin waa isla wixii uu Trump dalbaday,” Khamenei ayaa sidaasi yiri sida lagu daabacay boggiisa rasmiga ah.

Dhanka kale, sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha ammaanka ee Iran ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Joe Biden in uu uu si sharci darro ah ugu hanjabay Iran markii uu sheegay in uu ka fiirsan karo tallaabooyin kale haddii wadahadalka diblumaasiyadeed ee Iran uu guuldareysto.

“Hoos ka xarriiqista adeegsiga “ikhtiyaarrada kale” oo ka dhan ah [Iiraan] waxa ay ka dhigan tahay hanjabaad dal kale oo sharci darro ah,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray Ali Shamkhani, oo ah xoghayaha Golaha Amniga Qaranka Sare ee Iran.

Biden ayaa Jimcihii Aqalka Cad ugu sheegay Ra’iisulwasaaraha Israel Naftali Bennett in uu marka hore xoogga saarayo “diblumaasiyadda” si uu isugu dayo in uu xakameeyo barnaamijka nukliyeerka, laakin haddii ay wadaxaajoodyadu fashilmaan waxa uu u diyaarsan yahay in uu qaado tallaabooyin aan la qeexin.

Guddiga la socodka atoomikada ee Qaramada midoobey ayaa warbixin uu bishan soo saaray ku sheegay in Iran ay dardar gelisay kobcinta uranium-keeda ayna gaarsiisay heer u dhow hubka, waxayna tallaabadaasi kor u qaadeysaa xiisadda kala dhexeysa reer galbeedka xilli ay labada dhinacba doonayaan in ay dib u ambaqaadaan wadahadallada dib loogu soo nooleynayo heshiiskii nukliyeerka Tehran.

Xigasho: AFP iyo REUTERS

XS
SM
MD
LG