Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Moqtada al -Sadr oo ku biiray musharraxiinta u tartamaya madaxtinimada Ciraaq


Wadaadka caanka ah ee Shiicada ah Moqtada al -Sadr ayaa Jimcihii sheegay in isaga iyo taageerayaashiisu ay ka qayb qaadan doonaan doorashada guud ee bisha Oktoobar ka dhaceysa waddanka Ciraaq, isaga oo ka noqday go’aan bishii hore ka soo baxay, kaas oo uu ku sheegay in aanu musharrax aheyn.

Xisbiga Sadr ayaa qayb ka ah isbahaysiga heysta kuraasta ugu badan ee baarlamaanka Ciraaq, waxayna u badan tahay inuu ka mid noqdo musharraxiinta ugu horreeya codbixinta, taas oo uu goor hore ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Mustafa Al-Kadhimi.

Ra'isul Wasaaraha Ciraaq ayaa ku dhawaaqay qabashada doorasho xilligeeda ka soo hormarta, kaddiib muhaaraayadii ballaarnaa ee Ciraaq ka dhacay sanadkii 2019.

Sadr ,ayaa khudbad telefishanka laga sii daayay ku sheegay inuu ka laabtay go'aankiis hore, kadib markii tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda, oo uusan sheegin magacyadooda, ay u qoreen talo ay ugu yeereenn “xeerka dib-u-habaynta” si Ciraaq looga sifeeyo musuqmaasuqa iyo maamul-xumada.

Waxa uu ku boorriyay taageerayaashiisa inay tagaan goobaha codbixinta ayna codeeyaan doorashada Oktoobar 10.

U codeynta xisbigiisa, ayuu yiri," Waxay ka dhigan tahay Ciraaq oo laga xoreeyay faragelinta shisheeye iyo musuqmaasuqa baahsan."

"Waxaan ku geli doonnaa doorashooyinkan fir-fircooni iyo go'aan, si aan Ciraaq uga badbaadino gumaysiga iyo musuqmaasuqa," ayuu yiri Sadr.

Sadr, oo heysta taageerada malaayiin reer Ciraaq ah, waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ugu awoodda badan Ciraaq, wuxuuna sanadihii u dambeeyay kordhiyay saamaynta uu ku dhex leeyahay hay'adaha dowladda, wuxuuna si weyn uga soo horjeedaa joogitaanka ciidmada Mareykanka ee Ciraaq, iyo saameynta Iran ku leedahay.

Reuters.

XS
SM
MD
LG