Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada dhimashada ciidamada Mareykanka ee qaraxii garoonka diyaaradaha Kabul oo korortay


Ugu yaraan 60 qof oo shacab ah iyo 12 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay, kadib markiii laba qarax oo is-miidaamin ah lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha Afghanistan iyo Mareykanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in 11 ka mid ah ciidamada badda iyo hal qof oo ka tirsanaa shaqaalaha caafimaadka ee ciidamada badda ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Waxa ay sheegeen in 12 kale oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ay dhaawacmeen, iyagoo sheegay in tiradu intaas ka badnaan karto.

Sidoo kale in ka badan 140 qof oo reer Afghanistan ah ayaa dhaawacmay, sida uu sheegay sarkaal Afganistan ah.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in la rumeysanyahay inay weerarkan geysteen kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Garabka ISIS ee Afghanistan ayaa aad uga xagjirsan Taalibaan, oo dhawaan la wareegay gacan ku haynta Afghanistan, iyaga oo cambaareeyay weerarka.

Saraakiisha reer Galbeedka ee ku sugan Kabul ayaa hore uga digay weerar culus, iyagoo dadka ku boorriyay inaysan imaan agagaarka garoonka dayuuradaha, laakiin talooyinkaasi dhag-jalaq uma siin dadka reer Afghanistan oo aad u doonayey inay dalka ka baxaan dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, isla markaana qeyb ka noqdaan dadka ay daad-gureynayaan xulufada Mareykanku hoggaaminayo kahor inta uusan Mareykanku si rasmi ah u soo afjarin joogitaankiisii 20-ka sano bishan Agoosto 31-keeda.

AP.

XS
SM
MD
LG