Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo is-miidaamin ah oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul


Afghanistan

Laba qarax ayaa maanta ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo kumanaan qof oo ka cararaya xukunka Taalibaan ay buuxiyeen.

Qaraxyada ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby. Sarkaal kale oo Mareykan ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin.

Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyey ugu yaraan dhimashada 10 askari oo Mareykan ah iyo dhaawacyada tiro kale

Sidoo kale, dad shacab Afghanistan ah oo gaaraya illaa 60 qof ayaa ku dhintay weerarka, ayada oo sidoo kalena dhaawacyada ay gaarayaan 200 oo kale.

Qaraxa ayaa yimid ayada oo ay jireen digniino ay bixiyeen ciidamada Mareykanka iyo NATO oo ku saabsanaa in qarax lala damacsan yahay garoonka, uguna baaqeen shacabka inay ka fogaadaan halkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa kadib la arkay ugu yaraan hal qof oo hubeysan oo rasaas furaya.

XS
SM
MD
LG