Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo lagu cadaadinayo in suxufiyiin ay ku jiraan kuwa VOA laga soo qaado Afghanistan


Xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa Arbacadii ku cadaadiyay Madaxweyne Joe Biden inuu boqolaal qof oo xiriir wada-shaqeyn ah la leh Wakaaladda Warbaahinta Caalamiga ah ee Mareykanka ee (USAGM) in laga soo daadgureeyo Afghanistan.

Washington ayaa ku deg degaysa wakhtiga kamadambaysta ah ee ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, kaas oo ku eg 31 -ka Ogosto.

Warqad ay Arbacadii Senator Ben Cardin iyo William Keating u direen madaxweyne Biden ayay ku sheegeen in ilaa 550 qof oo shaqaalaha USAGM iyo qoysaskooda ay weli isku dayayaan inay ka baxaan Afghanistan.

USAGM waa hay'ad madaxbannaan oo ay leedahay dowladda Federaalka Mareykanka, taas oo ka kooban dhowr shabakadood oo warbaahineed, kuwaas oo ay ku jiraan idaacadda Codka Mareykanka ee VOA iyo Raadiyaha Azadi.

"Waxaan idinku adkayneynaa in 550 oo ka mid ah shaqaalaha USAGM iyo qoysaskoodu aysan ka duwaneyn weriyayaashii aad hore uga soo qaaddeen Afghanistan," ayaa lagu yiri warqaddan, iyagoo xusuusiyay maamulka Biden in dhowr hey'adood oo ka tirsan warbaahinta Mareykanka ay shaqaaladooda u soo daadgureeyeen.

"Xiriirka ay la leeyihiinn dowladda Mareykanka darti waxay wariyeyaashan weli bartilmaameed u yihiin Taalibaan" ayaa lagu yiri warqaddan.

Dadaallada daadguraynta suxufiyiinta Afghanistan ayaa kordhay toddobaadkan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dagaalyahannada Taalibaan ay baarayeen guryaha qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Taalibaan ayaa baartay guryo ay leeyihiin ugu yaraan shan suxufi, sida ay sheegeen ururada u dooda xuquuqda warbaahinta.

XS
SM
MD
LG