Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa kasoo baxay wada-hadalladii China iyo Taalibaan?


Taliban
Taliban

China ayaa sheegtay inay “xiriir iyo wadatashi wax ku ool ah la furtay Taalibaan,” kadib kulan dhex-maray wakiilo ka socday kooxda iyo safiirka Shiinaha ee Kabul.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda China, Wang Wenbin ayaan wax faah-faahin oo intaas dheer ka bixin wada-hadallada oo Talaadadii dhexmaray ku xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan Abdul Salam Hanafi iyo danjire Wang Yu.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in China ay Kabul u aragto “masrax iyo marin muhiim ah in labada dhinac ay kaga wada-hadlaan dhammaan arrimaha.”

China ayaa bishii tegtay wada-hadallo ku marti-gelisay wafdi uu hoggaaminayey hoggaamiyaha Taalibaan Mullah Abdul Ghani Baradar, kahor inta aysan kooxda la wareegin Kabul.

China ayaa sidoo kale waxaa weli u furan safaaraddeeda Kabul, waxayna sheegtay inaysan wax qorshe ah ka laheyn inay muwaadiniinteeda ka daad-gureyso Afghanistan, halka ay sidoo kale Mareykanka si joogto ah ugu cambaareyso qaska ka jira garoonka diyaaradaha Kabul.

“Waxaan mar kasta xushmeynaa madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Afghanistan, anaga oo raadineyna siyaasad ku dhisan faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha Afghanistan ah, una hoggaansameyna siyaasad saaxiibtinimo oo ku wajahn shacabka Afghanistan,” ayuu Wang u sheegay weriyayasha oo uu shir jar’aaid ugu qabtay Beijing.

“China waxay ixtiraamtaa in shacabka Afghanistan ay si madax-banaan go’aan uga gaaraan mustaqbalkooda, waxayna taageertaa fulinta mabda’ ay leeyihiin oo ay hoggaamiyaan shacabka Afghanistan.”

AP

XS
SM
MD
LG