Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Mareykanka iyo Israel oo ka shiraya Iran


Naftali Bennett iyo Joe Biden
Naftali Bennett iyo Joe Biden

Ra'isul Wasaaraha Israel Naftali Bannet ayaa la filayaa in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku boorriyo inuu mowqif adag ka qaato waddanka Iran, marka kulankooda ugu horreeya ay Khamiista berri ah iskugu yimaadaan labada hoggaamiye.

Bennet oo xafiiska la wareegay laba bilood kahor ayaa todobaadkan Washington ku imaanaya booqashadiisii ugu horreysay, waxaana kahor inta uusan ka soo ambabixin Israel uu ku celiyay in Madaxweyne Joe Bidden uu ku cadaadin doono go’aankiisa ku aaddan Iran.

" Waxaan u sheegi doonaa madaxweyne Biden in la joogi wakhtigii la joojin lahaa Iraniyiinta, ma aha in la siiyo wadiiqo nololeed oo ay ugu soo laabtaan heshiiska Nukliyerka ee dhacay," ayuu yiri Ra'isul Wasaare Naftali Bennet.

Heshiiskii 2015-tii ayaa Iran cunaqabateynta looga qaaday, iyadoo Tehran ay ku badalatay inay dhowrto xaddidaadda barnaamijkeeda Nukliyerka.

Biden ayaa soo jeediyay inuu dib ugu noqonayo heshiiskan haddii Iran ay si dhameytiran ugu hoggaansanto qodobada kujira, laakiin wadaxaajoojyadii magaalada Vienna ee dalka Austria e laba bilood kahor qabsoomay ayaan wax xal ah looga gaarin arrinkaas.

XS
SM
MD
LG