Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toddoba qof oo lagu dilay agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul: UK


Britain ayaa sheegtay in toddoba qof oo shacab Afghan ah lagu dilay qalalaase Sabtidii ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaaha Kabul, halkaas oo dad badan ay ku xoomeen ayaga oo isku dayaya inay gaaraan garoonka si looga qaado.

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la xarbinayey inay la taacaalaan kumanaanka qof ee isugu jira ajaaniibta iyo shacabka Afghanistan ee ka cararaya dalkaas, kadib markii ay xukunka la wareegeen Taalibaan.

“Waxaan maskaxda ku haynaa dhammaan qoyska toddobada ee ku dhintay Kabul,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Britain, isag aoo aan faah-faahin ka bixin sida ay wax u dhaceen.

Taleefishinka Sky News ee Britain ayaa baahiyey muuqaallada saddex ka mid ah meydadka oo yaalla dibedda garoonka.

“Xaaladda waa mid aad caqabad u leh, waxaanse isku dayeynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u xakameyno, ugana dhigno mid amni ah oo sugan, sida ugu macquulsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Britain.

Dhinaca kale, kooxda Taalibaan ayaa ku eedeysay Mareykanka inay mas’uul ka yihiin qaska ka jira garoonka diyaaradaha Kabul.

“Mareykanka, oo awoodda aan ognahay leh, waxay ku guul-darreysteen inay kala dmabeyn ka hirgeliyaan garoonka. Nabad iyo xasilooni ayaa ka jirta dhammaan dalka intiisa kale, hase yeeshee jahwareer ayaa ka taagan garoonka,” Waxaa sidaas yiri Amir Khan Mutaqi, oo ah sarkaal ka tirsan Taalibaan.

Taalibaan ayaa hadda kala dambeyn kusoo rogtay banaanka garoonka, ayaga oo rasaas kor u ridaya, kuna qasbayaa shacabka inay safaf galaan.

Qaar ka mid ah dad goobjoogeyaal ah ayaa laga soo xigtay in amarka Taalibaan uu shaqeeyey, dadkuna ay si nabdoon ugu jiraan safaf dhaadheer oo gala garoonka.

AFP, REUTERS

XS
SM
MD
LG