Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taalibaan oo gabdhaha suxufiyiinta ah 'ka mamnuucday' warbaahinta qaranka


Ugu yaraan laba gabdhood oo suxufiyiin ah oo u shaqeeya idaacadda dowladda Afgaanistaan ayaa xaqiijiyay in Taalibaan aysan u oggolaan inay shaqeeyaan, kaddib markii ururkaas ay soo galeen magaalada Kabul, ayna la wareegeen hay'adaha dowladda oo ay ku jiraan warbaahinta Qaranka.

Gabdhaha suxufiyiinta ah ayaa loo sheegay inaysan geli karin dhismaha Warbaahinta Qaranka ee Afgaanistaan ee (RTA) markii ay yimaadeen goobta shaqada.

Muuqaal lagu baahiyay Internetka ayaa la arkay Shabnam Khan Dawran oo ah gabar war-akhriye ka aheyd Telefishinka Qaranka oo sheegeysa in rag ay shaqo-wadaag yihiin loo oggolaaday inay galaan dhismaha, laakiin iyada loo diiday.

"La iima oggolaan gudaha Warhaabinta Qaranka inkasta oo aan heysto aqoonsiga shaqada. Ragga shaqaalaha ah ee heysta aqoonsiga shaqada waxay awoodeen inay galaan xaafiiska, waxaana la ii sheegay inaana sii wadi karin waajibaadkeyga, maadaama uu is-bedelay nidaamkii dowladda" ayay tiri Dawran oo warbaahinta ka shaqeyneysay muddo lix sano ah.

Khadiija Amiin oo iyana ah suxufiyad kale oo ka tirsan Telefishinka Qaranka ayaa warbaahinta gaarka loo leeyahay ee TOLONews u sheegtay in loo diiday inay gasho xaafiiskeeda Talaadadii, isla markaana saaxiibbo kale oo ay isla shaqeynayeen sidaas oo kale shaqada loo diiday.

Waxay sheegtay Khadiija, in arrinkan ay kala hadleen agaasimaha cusub ee Taalibaan u magacawday Warbaahinta Qaranka, kaasoo u sheegay in Taalibaan ay dhawaan go'aan ka gaari doonto inay shaqeyn karaan iyo in kale.

Warbaainta Qaranka ee RTA waxaa hoosyimaada tobanaan idaacado iyo telefishinno ah, waxayna ka hawlgashaa magaalada Kabul iyo 32 gobol.

Laakiin markii ay Taalibaan la wareegeen, waxay magacii warbaahinta qaranka u beddeleen Shariat Ghag (Codka Shareecada) - kaas oo ahaa magaca idaacadda keliya ee ku hoos imaan jirtay xukunkooda 1990-meeyadii.

Wariye madaxbanaan oo ku sugan Helmand ayaa VOA u sheegay in Taalibaan ay Warbaahinta Qaranka u bixisay magaca cusub ee Codka Shaareecada Jimhcii, ay inta badan “tabiso wararka iyo dhaqdhaqaaqyada Taliban”.

XS
SM
MD
LG