Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: UK oo shaqaale caafimaad ka qaadanaysa dalka Kenya


Dalka Kenya waxaa ka bilowday qorsho ay dowladda dalkaasi dalka UK ugu dirayso shaqaalaha daryeelka caafimaadka ah ee shaqa la'aanta ku ah gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ka faa'idaysanaya mashruuc cusub oo ay dhamaadkii bishii July kala saxiixdeen labada dowladood ee UK iyo Kenya.

Mashruucan ayaa lagu caawinayaa dadka Kenyanka ah ee caafimaadka bartay ee shaqa la'aanta ah.

Qorista dufcaddii ugu horraysay ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka oo loogu talagalay shaqo qorista sida waafaqsan heshiiska, oo u badan kalkaaliyayaal caafimaad ayaa ka billabatay dalka Kenya.

Haddaba sidee ayuu mashruucani u caawin doonaan shaqaalaha caafimaadka Kenya? Su''aashaasi iyo kuwo kale ayuu Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed waxaa u waydiiyay Dr. Cusmaan Cali Gabboose oo kamid ah dhaqaatiirta ka hawlgala Isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Wareysi: Ingiriiska oo shaqaale caafimaad ka qaadanaya dalka Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:24 0:00


XS
SM
MD
LG