Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Taalibaan oo si rasmi ah u billowday wadatashiga dhismaha dowlad cusub


Mullah Abdul Ghani Baradar
Mullah Abdul Ghani Baradar

Aasaasaha kooxda Taalibaan Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa Sabtidii gaaray magaalada Kabul, si uu wadahadalo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa dowlad cusub uu ula yeesho xubnaha kooxidiisa iyo siyaasiyiinta kale ee Afghanistan.

"Wuxuu soo geli doonaan magaalada Kabul, si uu ula kulmo hoggaamiyeyaasha jihaad-doonka iyo siyaasiyiinta, si loo dhiso dowlad loo dhan yahay," ayuu u sheegay walaaladda wararka ee APF sarkaal sare oo Taliban ah.

Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai iyo guddoomiyaha golaha sare ee dib-u-heshiisiinta Qaranka Abdullah Abdullah, oo isbahaysi la ah madaxweynaha is-musaafuriyay ee Ashraf Ghani, ayaa ka mid ahaa madaxdii shalay la kulantay hoggaamiyeyaasha Taalibaan.

"Waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan amniga muwaadiniinta Kabul iyo guud ahaan Afghanistan, midnimada & iskaashiga mustaqbalka dalka,” ayuu Abdullah bartiisa Twitter -ka ku soo qoray kulanka kaddib.

Abdullah, ayaa sheegay in Khalil Al-Rahman Haqqani oo dowladda Mareykanku ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah sanadkii 2011, uu hoggaaminayay wafdiga Taalibaan, wuxuuna xusay in Guddoomiyaha Senate-ka Afghanistan Fazal Hadi Muslimyar iyo xubno kale ay goobjoog ka ahaayen kulankaas.

Baradar, ayaa Talaadadii gaaray Afghanistan isaga oo ka yimid dalka Qadar, wuxuuna doortay inuu ka soo dego magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee Kandahar - oo ah meeshii ka billaabatay aas-aaska Taalibaan.

XS
SM
MD
LG