Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan: Turkigu ma noqon doono meel Yurub loogu keydiyo qaxootiga


Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa khamiistii ku boorriyay waddamada Yurub inay qaadaan mas’uuliyadda muhaajiriinta ka imanaya Afghanistan, isagoo intaas ku daray in Turkigu aanu aheyn “qaybta kaydinta muhaajiriinta ee Yurub”, xilli ay dalkaas ay ka jiraan qalelaase kaddib qabsashadii Taalibaan.

Tan iyo markii Taalibaan ay soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul, muuqaallo fowdo ah ayaa soo ifbaxay, iyadoo kumanaan reer Afghanistan ah ay doonayaan inay ka baxaan dalkooda, iyagoo ka baqaya in Taalibaan ay ku soo rogto xukun la mid ah midkii 20 sano kahor.

Kumanaan qof ayaa sidoo kale u soo tallaabay dalka Turkiga toddobaadyadii la soo dhaafay.

Isagoo ka hadlayay shirka golihiisa wasiirada, ayuu Erdogan sheegay in Yurub looga baahan yahay inay qaadato mas'uuliyadda dadka reer Afgaanistaan ee ka cararaya dhibaatada waddankooda, isagoo intaas ku daray in Ankara ay tallaabooyin ka qaaday xudduudaha ay la leedahay Iran - oo ah marin muhiim u ah muhaajiriinta Afghanistan ee soo gala Turkiga.

Waxa uu sidoo kale Erdogan sheegay inay dhici karto in Turkigu uu wadahadal la yeesho dowladda cusub ee ay soo dhisi doonto Taalibaan, si ay uga wada xaajoodaan wuxuu ugu yeeray “ajendeyaashayada guud”.

Reuters.

XS
SM
MD
LG