Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaligii ugu horreeyay oo ka mid noqday Baarlamaanka gobolka Nova Scotia ee Canada


Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo ka mid noqda xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia ee dalka Canada.

Cali Ducaale oo xirfaddiisu ay tahay dab-damis, sidoo kalena muddo caawinayay dhallinyarada iyo bulshada xaafadda laga doortay ee Halifax Armdale ayaa helay 40.2% codadkii la dhiibtay.

Cali ayaa ka tirsan xisbiga Liberal-ka.

Julie Melanson oo ka tirsan xisbiga NDP ayaa heshay 34.2%, halka Richard MacLean oo ka tirsan xisbiga Progressive Conservative ee ku guuleystay talada gobolka uu helay 22.1%.

Cali Ducaale ayaa afareynaya, saddex qof oo kale oo madow ah oo doorashada ku guuleystay, waana tiradii ugu badneyd ee qowmiyadda madowga ka tirsan oo hal mar kawada mid noqda baarlamanka gobolka Nova Scotia.

Haddaba, wariyaha VOA-da ee Canada, Xuseen Nuur Xaaji oo qadka taleefanka kula xiriiray Cali Ducaale ayaa ugu horreyn waydiiyay doorashada uu ku guuleystay iyo nooca ay aheyd.

Soomaaligii ugu horreeyay oo ka mid noqday Baarlamaanka gobolka Nova Scotia ee Canada
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:27 0:00


XS
SM
MD
LG