Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey ee dalka Afghanistan


Ururka Taalibaan ayaa sii wada xoojinta awooddooda dalka Afghanistaan oo ay la wareegeen Axaddii, iyadoo meelaha qaar laga soo sheegaya rabrashado iyo dibad-baxyo, gaar ahaan dhinaca galbeed ee dalkaas.

Taalibaan ayaa la filayaa inay soo dhisaan dowlad cusub, balse weli ma cadda nooca ay noqon doonta dowladdaas, inkasta oo ay ballan-qaadeen dowlad loo dhan yahay.

Dhinaca kale, ciidamada Mareykanka oo ku sugan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul ayaa sii wada daad-gureynta shacabka iyo shaqaalaha Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeyn jiray.

Maxamed Colaad Xassan ayaa wararkii ugu dambeeyay ee Afghanistan noo soo koobaya.

Wararkii ugu dambeeyey ee dalka Afghanistan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:28 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG