Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taalibaan oo u yeertay ciidamada dowladdii burburtay ee Afghanistan


Taalibaan ayaa xiriir la sameysay duuliyeyaashii hore iyo askarta ciidamada qalabka sida ee Afgaanistaan si ay ugu biiraan ciidamada cusub, Isla markaana qeyb uga noqdaan darajooyinka ay bixineyso, sida uu sheegay Waheedullah Hashimi oo xiriir la leh madaxda sare ee Taalibaan.

Hashimi wuxuu sheegay in Taalibaan ay qorshaynayso inay dhisto ciidan qaran oo cusub oo ay ku jiraan xubnahooda iyo sidoo kale askarta dowladda ee doonaya inay ku biiraan.

Qorista askartan ma cadda in Taalibaan ay ku guuleysan doonto, maadaama kumanaan askari ay dishay 20-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo sidoo kale bartilmaameedsatay duuliyeyaashii Afqhanistan ee Maraykanku tababaray.

"Intooda badani waxay tababar ku soo qaateen Turkiga, Jarmalka iyo Ingiriiska. Waxaan u sheegi doonnaa inay dib ugu laabtaan boosaskoodii" ayuu yiri Haashim oo la hadlayay wakaaladda hararka ee Reuters.

Wuxuu sheegay inay jiri doonto dib u habeyn iyo is-bedello lagu sameynayo ciidanka Afghanistan, ayan u baahanyihiin ciidankii dowladdii bur-burtay.

Haashim ayaa sidoo kale sheegay in Taalibaan ay ka rajeyneyso dalalka deriska ah inay soo celiyaan diyaaradihiii ay la baxsadeen duuliyaashii ka qaxay Aghanistan, kuwaass oo ay ka mid yihiin 22 diyaaradood oo milateri, 24 helikobtar iyo boqollaal askari oo Afqhanistan ah oo dhammaadkii u qaxay Uzbekistan.

XS
SM
MD
LG