Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Taalibaan oo muuqaalkooda soo bandhigi doona kadib 20 sano oo dhuumaaleysi ah


Zabihullah Mujahid, Afhayeenka Taalibaan

Hoggaamiyeyaasha ururka Taalibaan ee Afgaanistaan ayaa isu muujin doona dunida, si ka duwan 20-kii sano ee la soo dhaafay oo ay inta badan qarsoodi ku noolaayeen, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ururkaas.

"Dunidu waxay si tartiib-tartiib ah u arki doontaa dhammaan hoggaamiyeyaasheenna, ma jiri doonto dhuumaaleysi iyo is qarin dambe," ayuu yiri sarkaalka sare ee Taalibaan ah oo diiday in magaciisa la sheego, isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaalkan ayaa sheegay in xubnaha Taalibaan lagu amray in aysan u dabbaaldegin qabsashadii dalka oo dhan, wuxuuna intaas ku daray in dadka rayidka ah ka qaadayaa hubka iyo rasaasta.

Madaxda sare ee Taalibaan ayaa muddo 20 sano ah ku jiray dhuumaaleysi, iyado qarkood hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo militariga aan laga heyn wax sawir ama muuqaal ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG