Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barasaabka New York oo ku dhowaaqay inuu is-casilayo


Cuomo-Harassment
Cuomo-Harassment

Barasaabka gobolka New York Andrew Cuomo ayaa maanta ku dhowaaqay inuu is-casilayo kadib markii dhowr haween ah ay u jeediyeen inuu kula kacayo xadgudubyo jinsi.

Khudbad uu jeediyey oo taleefishinka laga sii daayey, ayaa 63 jirkan ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga waxa uu ku beeniyey inuu si ula kac ah u xushmad darreeyey haween.

Si kastaba, Cuomo waxa uu sheegay in dagaal uu ka galo wax uu ugu yeeray weerar “laga leeyahay dano siyaasadeed” ay gobolka New York u horseedi doonaan bilo qalalaase ah, wuxuuna yiri “taasi sabab uma noqon karo.”

“Habka ugu wanaagsan ee aan caawimaad u geysan karo waa inaan is-casilaa oo aan ogolaadaa in dowladdu ay dib ugu noqoto dowladnimada,” ayuu yiri Cuomo.

Cuomo oo uu u socday muddo xileedkiisii saddexaad ayaa go’aankan, oo uu xilka uga degayo laba toddobaad gudahood, ku dhowaaqay xilli ay sharci-dejiyayaasha New York diyaarinayeen mooshin xilka looga qaado.

Arrintan ayaa timid kadib markii xeer-ilaaliyaha guud ee New York uu sii daayey natiijada baaritaan lagu ogaaday in Cuomo uu xadgudub jinsi kula kacay 11 haween.

Baarayaasha ayaa sheegay in haweenka uu kula kacay xadgudubyo ay ka mid yihiin dhunkasho qasab ah, naas ama daba ka taabasho, kuna yiri hadallo la xiriira muuqaalkooda iyo noloshooda galmo.

Ku-xigeenka barasaabka Kathy Hochul, oo ah 62 jir Dimoqraadi ah, ayaa noqon doonta barasaabkii 57-aad iyo haweeneydii ugu horreysay oo xilkan ka qabata gobolka.

AP

XS
SM
MD
LG