Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ku guuleystay billadda dahabka ah cayaaraha Kubbadda Koloyga ee Olombikada Tokyo


Xulka Qaranka Kubadda Koloyga Mareykanka ayaa ku guuleytay billadda dahabka ah ee cayaaraha Olombikda, kaddib markii 87-82 uga badiyeen dhiggooda waddanka Faransiiska cayaartii kama dambeysta aheyd ee koobka Olobmikada Tokyo.

Kevin Durant ayaa hoggaamiyay guushii xulka USA ay ka gaareen France cayaartii kama dambeysta aheyd ee kubbadda koleyga ragga ee ka dhacay Tokyo Sabtidii, isaga oo ka aarguday guuldaradii wareegii koowaad isla markaana Mareykanku ku guuleystay billadaha dahabka markii 16-aad ee cayaaraha Olombikada.

Xulka Ragga Mareykanka ayaa ahaa xulka ugu awoodda badan cayaarahan tan iyo sanadkii 1936, waxaana guushan billada dahabka ah ay noqoneysaa middii afraad oo xiriir ah.

Reuters.

XS
SM
MD
LG