Isku xirrada

War Deg-Deg ah

115 qof oo lagu dilay howlgal militari oo ka dhacay Nigeria


Hay'adda Amnesty International ayaa ku eedeysay ciidamada ammaanka ee Nigeria inay adeegsadeen awood xad-dhaaf ah ayna dileen ugu yaraan 115 qof kaddib howlgal ka dhan ah kooxaha u ololeeya gooni u goosadka gobolka koonfur-bari ee dalkaas.

Rabshadahan ayaa sannadkan ka dhacay gobollada koonfur-bari ee Nigeria, kuwaas oo sidoo kale galaaftay nolosha ugu yaraan 127 qof oo ahaa xubno ka tirsan laamaha ammaanka, sida ay booliisku sheegeen, waxaana sida ay warbaahintu sheegtay in la weeraray ilaa 20 saldhig boolis iyo xafiisyada guddiga doorashada.

Garabka xag-jirka ah ee kooxda la mamnuucay ee Indigenous People of Biafra (IPOB) oo ah dhaq-dhaaqaaq raadinaya madax-bannaanida qoomiyadda Igbo ayaa lagu eedeeyay rabshadahan, laakiin IPOB waa beenisay eedeymahaas.

Amnesty ayaa sheegtay in jawaabta ay bixiyeen ciidamada ammaanka, oo ay ku jiraan militariga, booliska iyo hay'adda sirdoonka ee DSS ay dileen tobanaan qof oo ay ku jireen dad rayid ah.

“Caddaynta ay soo ururisay Amnesty International waxay sawir ka bixinaysaa awood xad-dhaaf ah oo naxariis -darro ah oo ay ciidamada amniga Nigeria ka geysteen gobollada Imo, Anambra iyo Abia,” ayuu yiri Osai Ojigho, oo ah agaasimaha xafiiska Amnesty ee Nigeria.

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ayaa sheegtay inay "diiwaangelisay ugu yaraan 115 qof oo ay dileen ciidamada ammaanku intii u dhexeysay bilihii Maarso iyo June 2021." waxaana booliska Nigeria ka jawaabi kari waayay eedeymaha loo soo jeediyay.

"Ma arkin warbixintan, sidaa daraadeed kama jawaabi karo" ayuu afhayeenka booliiska Nigeria Frank Mba u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Amnesty ayaa sheegtay in qaraabada dadka la dilay ay u sheegeen in aysan ka mid ahayn kooxaha xagjirka ah ee weerara laamaha amniga, waxaana sidoo kale Amnesty ay sheegtay inay diiwaangelisay kiisas xarig sharci darro ah iyo jirdil ka dhacay gobolka ay xassilooni darradu ka jirto.

Bishii la soo dhaafay, hoggaamiyaha IPOB, Nnamdi Kanu, ayaa lagu xiray waddanka Kenya, sida ay sheegeen qareennadiisa, waxaana dib loogu soo celiyay Nigeria si loogu qaado dambiyo khiyaano qaran.

Kanu wuxuu isku dayaya inuu dib u soo nooleeyo Jamhuuriyadd Biafra ee baaba’day, taas oo ku dhawaaqisteedii madaxbannaanida ay horseeday dagaal sokeeye oo socday 30 bilood intii u dhaxaysay 1967 iyo 1970, waxaana dagaalkaas oo sidoo kale ay ka dhasheen gaajo iyo cudur ku dhintay in ka badan 1 milyan oo qof oo u badan qoomiyadda Igbo.

XS
SM
MD
LG