Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Jabuuti oo ka hadashay rabshado ka dhacay magaalada Jabuuti


Djibouti Jabuuti
Djibouti Jabuuti

Dawladda Jabuuti ayaa ka hadashay rabshado shalay ka dhacay magaalada madaxda Jabuuti, oo gaystay khasaare kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Saciid Nuux Xasan ayaa sheegay in rabshaduhu ay ka dhaceen dhowr goobood oo ay ku jirto xaafadda isku raranta ah ee Balbala.

Wasiirka oo la hadlayey teleefishanka dawladda Jabuuti ayaa sheegay inay dhacday dhimasho, hase yeeshee ma uusan sheegin tirada dadka ku dhintay rabshadahaas.

Wararka aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in rabashaduhu ay la xiriirreen colaadda ka taagan gobolka Siti ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay colaadi ku dhexmartay Soomaalida iyo Canfarta.

Sawirrada ka imanayey magaalada Jabuuti ayaa muujinayey guryo la gubay iyo qiiq ka baxayey.

Wasiirka ayaa sheegay in aysna dawladdu u dulqaadan doonin fitno, sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu sheegay in dawladu ay faro adag ku qaban doonto cid kasta oo rabshad sameysay.

XS
SM
MD
LG