Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barakac ka socda gobollada Amhara iyo Tigray ee Ethiopia


Ilaa 5 kun oo qaxooti Ethiopian ah ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka gudbaan xadka Sudan, sida uu sarkaal ka tirsan dowladda Sudan u sheegay wakaaladda wararka AFP.

Tani ayaa ah mowjaddii ugu danbeysay ee dadka isaga cararaya colaadda ka socota gobollada Tigray iyo Amhara ee dalka Itoobiya, kuwaas oo kasii daray toddobaadyadii tagay.

Horraantii toddobaadkan ayaa waxaa xadka ka gudbay ilaa 3 kun oo qaxooti Ethiopian ah, taasi oo tirada qaxootiga reer Ethiopia ee ku sugan Sudan ka dhigeysa ku dhowaan 60,000 oo qof.

Sarkaalkan u hadlay dowladda Sudan ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah oo da’ay xuduudka ay sababeen in wabiga mara xadka kala qeybiya labada dal uu fataho halkaasina ay saddex qof oo Ethiopian oo isku dayayay in ay u gudbaan dhanka Sudan ku qarriqmeen.

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, iyadoo 400,000 oo qofna uu ku riixay gaajo.

AFP

XS
SM
MD
LG