Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Brisbane oo loo xushay inay marti-geliso Olombikada 2032


Magaalada Brisbane ayaa loo xushay in ay martigeliso ciyaaraha olombikada ee sanadka 2032-da. Magaaladan ku taalla dalka Australia ayaa guusheedu ahayd mid la sii filayay maadaama ay ahayd halka magaalo ee ay sharraxeen guddiga olombikada ee IOC si looga baaqsado tartan.

Ciyaaraha ayaa dib ugu laaban doona Australia 32 sano ka dib markii ay magaalada Sydney martigelisay sanadkii 2000. Magaalada Melbourne ayaa iyana martigelisay ciyaaraha olombikada sanadkii 1956-kii.

Ra’iisulwasaaraha Australia Scott Morrison ayaa qaab muuqaal ah ugu sheegay guddiga codeynta olombikada “Waan ognahay waxa aan u baahanahay si aan Australia ugu martigelino ciyaaro guuleysta.”

Brisbane ayaa ku xigsan doonta ciyaaraha olombikada ee ay magaalada Los Angeles martigelin doonta sanadka 2028, waxayna magaaladu haysataa 11 sano oo ay ku diyaargarowdo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG