Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada oo dalkeeda u oggolaatay dadka Mareykanka ah ee qaatay tallaalka COVID19


Merged Flag of Canada and USA

Dowladda Canada ayaa sheegtay in laga bilaabo Sagaalka bisha August, dadka Maraykanka ah ee sida buuxda u qaatay tallaalka xanuunka COVID-19 loo ogolaan doono inay dalka Canada soo gali karaan, kaddib 16 bilood oo xuduudda Canada ay ka xirneyd muwaadiniinta Mareykanka ah.

Dadka u dhashay dalalka kale ayaa iyagan loo ogolaan doonaa inay Canada galaan 7-da bisha September haddii ay tallaalka si buuxda u qaateen.

Warbixin arrintaas ka hadlaysa waxaa magaalada Toronto ka soo diray wariyaha VOAda Xuseen Nuur Xaaji.

Canada oo dalkeeda u oggolaatay dadka Mareykanka ah ee qaatay tallaalka COVID19
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:05 0:00


XS
SM
MD
LG