LONDON —
Xulka K/cagta Talyaaniga ayaa u soo gudbay Semi-finalka koobka Qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2020, kaddib markii uu 2-1 uga adkaaday xulka Belgium, iyadoo goolasha qeybtii hore ay kala dhaliyeen Nicolo Barella iyo Lorenzo Insigne, halka Belgium uu gool rigoore ah u dhaliyay Romelu Lukaku.
Xulka Spain ayaa isna rigooreyaal 3-1 ah uga badiyay Swetzerland, kaddib markii 120 daqiiqo ay labada xul isla dhaafi waayeen 1-1.
Tababaraha Spain Luis Enrique ayaa Talaada ka hortagi doona xulka Talyaaniga ee macalliin Robert Mancini.
Wariyaha VOA Maxamuud Mascadde ayaa inoo haya warbixintii ugu dambeeyay ee koobkaas.