Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xoghayihii hore ee difaaca Mareykanka Donald Rumsfeld oo geeriyooday


Obit Rusmfeld
Obit Rusmfeld

Xoghayihii hore ee Gaashaandhiggga Mareykanka Donald Rumsfeld ayaa ku geeriyooday magaalada Taos ee gobolka New Mexico, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay qoyskiisa Arbacadii shalay aheyd.

"Waa murugo aad u weyn inaan idin la wadaagno gerida halyey qaran" ayaa lagu yiri bayaankan oo aan lagu xusin xilliga uu geeriyooday.

Donald Rumsfeld, oo ahaa xoghaye awood badan ayaa ahaa ninkii qorsheeyay dagaalkii Ciraaq uu Mareykanku ku qaaday, waxaana markii ciidamada Mareykanku ay meesha ka saareen maamulkii madaxweyne Saadaam Xuseen uu Rumesfeld ku fashilmay in uu soo celiliyo sharciga iyo kala dambeytii Ciraaq, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay ay Ciraaq gashay fowdo iyo rabshado uu ku daatay dhiig badan, kuwaas oo u dhexeeyay Suniyiinta iyo Shiicada.

Kahor intii aanu Mareykanku dagaalka ku qaadin Ciraaq bishii March 2003, wuxuu Rumsfeld ka digay halista hubka wax gumaada ee Ciraaq, laakiin nooca hubkaas Ciraaq lagama helin.

Sida ay qortay walaaladda wararka ee Reuters, Rumsfeld wuxuu caan ku ahaaa amar ku taagleyn badan oo uu ku sameyn jiray saraakiisha militariga iyo xubnaha Congress-ka iyo sidoo kale isqabqabsiga xubnaha kale ee kooxdii maamulkii Bush, kuwaas oo uu ka mid ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibadda General Colin Powelll.

Sanadkii 2004, madaxweyne Bush wuxuu laba jeer diiday inuu aqbalo dalabkii is casilaadda Rumsfeld, kaddib markii ay soo baxeen sawirro muujinayay xadgudubyada shaqaalaha iyo ciidmamada Mareykanka ay kula kaceen maxaabiistii ku xirneyd xabsigii Abu-Qariib, waxaana fadeexadan ay dhalisay cambaareyn caalami ah oo uu Mareykanku la kulmay.

Rumsfeld ayaa shakhsiyan amray ciqaabihii adkaa ee su'aalaha lagu weydiinayay maxaabiista xabsiyada Ciraaq iyo Guantanamo Bay, iyadoo dadka u ololeeya xaquuqda aadanaha ay sheegeen in maxaabiista la jirdilay.

Waxay Rumsfeld saaxiibbo dhow ahaayeen madaxweyne ku xigeen George Bush, Dick Cheney oo 1970-yadii ay la soo wada shaqeeyeen madaxweyneyaashii xisbiga Jamhuuriga ee Richard Nixon iyo Gerald Ford.

Rumsfeld oo ahaa 88-jir, wuxuu noqday xoghayihii ugu da'da yaraa ee waxaada Gaashaanndhigga ee Pentagon-ka Mareykan, wuxuuna la shaqeeyay laba madaxweyne, George Busha intii u dhexday 2001-2006 iyo Gerald Ford 1975-1977.Wuxuu sidoo kale soo noqday agaasimaha Aqalka Cad, duuliye ciidamada cirka Mareykanka iyo Danjirihii Mareykanka ee NATO.

XS
SM
MD
LG