Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu isbeddelka ka dacay Tigray uga dhigan yahay Ethiopia?


Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay toddobaadyo gudahood dib ugu geli karaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray haddii loo baahdo.

Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa sidoo kale sheegay in xabad-joojintii ay dowladda halkaas kaga dhowaaqday Isniintii loo sameeyey sababo bani’aadannimo.

Waa hadalkii ugu horreeyey oo rasmi ah oo uu jeediyey mas’uul ka tirsan dowladda federaalka tan iyo markii Mekelle ay qabsadeen xoogagga Tigray-ga.

Hadaba isbedelkan ka dhacay Tigray maxuu uga dhiganyahay Colaadda Ethiopia, su’aashaas iyo kuwo kale ayuu Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamud Xareed weydiiyay Professor Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika.

Muxuu isbeddelka ka dacay Tigray uga dhigan yahay Ethiopia?
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:22 0:00



XS
SM
MD
LG