NAIROBI —
Ganacsatada Suuqa Soomaalida Islii ee magaalada Nairobi ayaa doortay guddoon cusub oo badali doona guddoomiyihii hore ee gudiga Ganacsatada Suuqa Islii oo dhowaan u geeriyooday cudurka COVID19.
Munaasabad lagu caleema saarayay xubnaha cusub ee guddigaan ayaa lagu qabtay magaalada Naiorbi.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli Xaafadda Islii wali laga dareemayo cabsi la xiriirta afduubka Gabdhaha Soomaalida.
Warbixintan waxaa Nairobi nooga soo diray wariyaheena Khadar Mohamed Xareed.
Facebook Forum