Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadaad ku xadgudbay tilmaamaha COVID-19 oo lagu xukumay afar sano oo xabsi ah


 Rizieq Shihab
Rizieq Shihab

Wadaadka mayalka adag ee saameynta badan ku leh dalka Indonesia ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, kaddib markii uu qariyay macluumaad ku saabsan baaritaanka COVID-19, iyadoo lagu soo eedeyay inuu faafiyay xanuunkaas, kaddib markii uu qabtay kulamo diimeedyo ay iskugu yimaadeen boqollaal qof.

Ciidamada Booliska iyo Militariga ayaa aad u ilaalinayay maxkadda Bariga Jakarta, halkaas oo saddexda garsoore ee maxkamaddaas ay ku xukumeen in Rizeiq Shihab uu ka been sheegay natiijada baaritaankii lagu sameeyay ee COVID-19, taas oo ku adkaatay hay'adaha caafimaadka ee dowladda inay ogaadaan dadkii uu la kulmay iyo goobihii u booqday.

Shihab ayaa xirnaa ilaa Decemeber 13, 2020, waxaana, garsoorayaashu amreen in wakhtigii uu horey u qaatay laga jaro xukunkiisa cusub.

Hay'adaha ammaanka ayaa xiray waddooyinka mara agagaarka maxkamadda, iyadoo kumanaan ka mid ah taageereyaasha Shihab ay isku dayayeen inay dhigaan bannaanbax ay ku dalbanayaan siideyntiisa.

Booliiska ayaa dadka ku kala eryay sunta dadka ilmeysiisa, si ay u kala cararaaan taageereyaasha wadaadkan, kuwaas oo isku dayayay inay maxkamadda u dhawaadaan, waxaana la xiray boqolaal kamid ah oo diiday inay ka fogaadaan maxkamadda.

Garooreyaasha isla maxkamaddan ayaa 27-kii bishiii May ku xukumay 8 bil oo xarig ah, markii uu ku xudgudbay habraaca cafimaad ee COVID19, isagoo qabtay kulamo diimeedyo iyo arooska gabadhiisa oo ay ka soo qeybgaleen kumanaan taageereyaashiisa ah intiii uu socday cudurka Coronavirus.

Waxaa sidoo kale lagu xukumay 20 milyan oo lacagta rupiah oo u dhiganta $ 1,400, kaddib markii uu kulan dad badani ay ka soo qeybgaleen uu ku qabtay galbeedka magaalada Java.

Wakaalada wararka ee AP ayaa qortay in Shihab uu wajahayay dacwado ciqaab ah oo xiriir ah tan iyo markii uu ka soo laabtay dalka Sucuudiga bishii November, halkaas oo uu ugu noolaa si dibad-joognimo ah.

Shibab oo 55 tir ah ayaa hoggaamiye iyo Iimam u ahaa koox loo la magaceedu ahaa Islamic Defenders Front oo hada laga mamnuucay waddanka Indonesia, waxaana kooxda u jeedkeedu ahaa in Islaamka lagu saleeyo nolosha dadka reer Indoneia oo tiradoodu gaareyso 230-Milyan.

XS
SM
MD
LG