Tirakoob ay iska kaashanayaan dowladda Kenya & UNHCR ayaa laga bilaabay xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya kaas lagu doonayo in lagu ogaado tirada saxda ah ee bulshada qaxootiga ah. Tirakoobka ayaa lagu bilaabay xerada Dhagaxley oo hoy u ah qaxooti ka badan 70,000.
Wariyaha VOA-da uga soo warrama xeryahaasi Abdisalan Salas ayaa warbixin arrintaas ku aadan Dhadhaab ka soo diray.