Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WHO: Afrika waxay la kulmaysaa mowjad saddexaad


Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in Afrika ay la kulmayso mowjad saddexaad oo cudurka COVID-19 ah.
WHO ayaa sheegtay in kiisaska ay kor ugu kaceen 474,000, shan toddobaad oo isku xiga, laga soo bilaabo bishan 20kii bishan June.
Ururuka wuxuu sheegay in kororkan kiisaska uu muujinayo faafitaan ka dhakhso badan kii labaad ee qaaradda, oo bilaawday horaantii sanadkan.

WHO ayaa eeda dusha ka saaraysa dhowris la’aanta talaabooyinka caafimaadka ee bulshada oo daciif ah, kororka is-dhexgalka iyo dhaqdhaqaaqa bulshada, iyo sidoo kale faafitaanka mowjadda nooca cusub ee cudurka oo markii ugu horreysay laga helay India oo laga soo sheegay 14 dal.
Ururka wuxuu sheegay in 1% hal oo kaliya dadka reer Afrika si buuxda loo talaalay.

Madaxa xarunta ka hortagga cudurada ee Afrika, John Nkengasong ayaa sheegay in mawjadda seddexaad la timid darnaan iyadoo waddammada badankood u diyaarsanayn sidaa darteedna ay tahay mowjad aad u xun, wuxuuna ku celceliyey baahida loo qabo in si dhakhso leh loo helo tallaalo badan .

XS
SM
MD
LG