Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran 'oo fashilisay weerar lagu soo qaaday' xarun nukliyeer


Shabakad warar oo ku dhow hay’adaha amniga Iran ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta ay fashiliyeen “weerar curyaamin ah” oo lagu soo qaaday barnaamijka nukliyeerka rayidka, ayada oo aan bixin wax faah-faahin ah.

Nournews, oo ah website la rumeysan yahay inuu ku dhow yahay Golaha Sare ee Amniga Qaranka, ayaa maanta ku warramay in weerarka la fashiliyey “kahor inta uusan wax waxyeelo ah u gaysan dhismaha.” Waxa uu intaas ku daray in kiiskan “hadda baaritaan lagu wado.”

Mar wax laga weydiiyo inuu ka hadlayo, sarkaal Iranian ah ayaa sheegay in la eego warbixinta website-ka. Sarkaalkan ayaa codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu arrintan ka hadlo.

Wakaaladda wararka Iran ee ISNA ayaa sheegtay in dhismaha uu ku yaallo meel u dhow magaalada Karaj, oo 40 km galbeed ka xigta caasimadda Tehran.

Website-ka wargeyska dowladda ay leedahay ee IRAN ayaa daabacay isla warbixintaas, isaga oo aan bixin faah-faahin iyo goobta weerarka.

Taleefishinka dowladda Iran ayaa sidoo kale warbixinta sii daayey. “Subaxii Arbacada, howlgal curyaamin ah oo ka dhan ahaa mid ka mid ah dhismooyinka Ururka Tamarta Atoomika Iran ayaa la fashiliyey. Weerarka ma sababin waxyeelo maaliyadeed iyo mid bani’aadam midna,” ayaa lagu yiri warbixinta taleefishinka.

Warbixinta ayaa timid kadib markii bilihii dhowaa weeraro curyaamin ah lala beegsaday xarumaha nukliyeerka Iran. Bishi April, xarunta nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ku taalla ee Natanz ayaa waxaa lala beegsaday weerar sababay waxyeello gaartay mashiinada kobciya uranium-ka iyo in korontada ay ka tagto.

Iran ayaa ku qeexday weerarka “argagixisanimo nukliyeer” taasi oo sare u qaadday xiisadda gobolka, xilli quwadaha caalamka iyo Tehran ay wada-hadallo lagu soo nooleynayo heshiiska nukliyeerka Iran ee 2015 ku leeyihiin magaalada Vienna.

Israel ayaa la rumeysan yahay inay fulisay weerarka curyaaminta ah, inkasta oo aysan si rasmi ah u sheegan.

AP

XS
SM
MD
LG