Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota oo laga xusay Maalinta Qaxootiga Adduunka


Fartun Weli

Xaflad lagu maamuusayay maalinta qaxootiga adduunka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kaas oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolkaas.

Xafladdan waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda Isuroon ee u dhaq-dhaqaaqda arrimaha haweenka ee fadhigeedu yahay magaalada Minneapolis, waxaana guddoomiyaha ururkaas Fartuun Weli oo ka hadashay kulankaas ay ka sheekeysay caqabadaha iyo fursadaha ay wajahaan xaqootiga marka ay yimaadan Minnesota.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta laga doorto gobolka Minnesota oo ay ka mid aheyd Ilhan Cumar ayaa iyaguna qaab fogaan-arag ah ugu soo qeybgalay xafladda xuska maalinta qaxootiga caalamka, kuwaas oo ka hadlay marxaladda qaxootiga caalamka, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota.

Gobolka Minnesota ayaa martigaliyay Soomaalida ugu badan ee Mareykanka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG