Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay Israel uga walaacsan tahay doorashada Ebrahim Raisi?


Ebrahim Raisi
Ebrahim Raisi

Israel ayaa maanta cambaareysay doorashada Ebrahim Raisi ee madaxweynenimada Iran, ayada oo sheegtay in taliskiisu noqon doono “mid arxan darran oo dadka daldala,” oo aysan aheyn in quwadaha caalamka ay kala xaajoodaan heshiis Nukliyeer.

Raisi, oo ay saaran yihiin cunaqabteynada Mareykanka sababo la xiriira xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha ah, ayaa Sabtidii guul ka garaay doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday, sida la filayey.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennet oo maanta qabtay kulankiisii ugu horreeyey ee golaha wasiirada ee taleefishinka laga baahiyo tan iyo markii uu talada qabtay toddobaadkii tegay, ayaa soo bixitaanka Raisi ku qeexay mid uu suurta-geliyey hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ee aan ku iman doorasho dadweyne oo xor ah.

“Doorashada Raisi, waxaan dhihi lahaa, waa fursaddii ugu dambeysay ee quwadaha caalamka ay ku babaarugi karaan kahor inta aysan ku laaban heshiiska Nukliyeerka, ayna ku fahmaan cidda ay la macaamilayaan,” ayuu Bennet ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Talis dadka daldala oo arxan darran waa inaan marnaba loo ogolaan inay helaan hubka wax burburiya,”ayuu yiri. “Mowqifka Israel ee arrintan ku wajahan marna isma beddeli doono.”

Raisi ayaan marnaba si shaacsan uga hadal eedeymo ay u jeediyaan Washington iyo kooxaha xuquuqda aadanaha oo ku saabsan inuu 1988-kii ku baaqay dilal sharciga ka baxsan oo loo gaystay kumanaan qof oo ahaa maxaabiis siyaasadeed.

Israel ayaa sidoo kale shalay sheegtay in beesha caalamka ay tahay inay ka walaacdo doorashada Raisi sababtoo ah ballan-qaadkiisa ah “inuu si deg deg ah u hormarin doono barnaamijka Nukliyeerka Iran.”

Reuters

XS
SM
MD
LG