Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada qaxootiga dunida oo korortay 2020-kii


Haween ka qaxay colaadda gobolka Tigray ee Ethiopia
Haween ka qaxay colaadda gobolka Tigray ee Ethiopia

Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan UNCHR ayaa sheegtay in tirada dadka dagaallada, colaadaha hubeysan, cadaadiska ay kala kulmaan maamullada ay ku hoos nool yihiin iyo xadgudubka xuquuqda aadanaha ay gaartay meel sare oo ay korodhay qiyaastii 4 boqolkiiba marka la barbar-dhigo tirada sanadkii 2019-kii.

UNHCR ayaa sii deysay warbixinteeda sanadkii tagay ee 2020-kii oo ay kaga hadleyso qaxootiga maalin ka hor iyadoo berri oo Axad ah ay ku beegan tahay maalinta qaxootiga adduunka.

Warbixintan waxaa noo soo diray wariyaha VOA ee Geneva Lisa Schlein, waxaana noo soo koobaya Maxamed Colaad Xassan.

Warbixin: Maalinta Qaxootiga Dunida
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:52 0:00


XS
SM
MD
LG