Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran: Ebrahim Raisi oo ku Guuleystay Doorashadii Madaxtinimada


Ebrahim Raisi
Ebrahim Raisi

Wadaadka mayalka adag, Ebrahim Raisi ayaa Sabtida maanta ah lagu dhawaaqay in uu ku guuleysanayo doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii shalay ka dhacday dalka Iran.

Maalin ka dib markii ay in ka badan 28 milyan oo qof ay codadkooda ka dhiibteen doorashada ayaa natiijada horudhaca ah ee ay maanta ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha gudaha ay muujineysaa in Raisi uu helay ku dhowaad 18 milyan oo cod.

Raisi ayaa ku guuleystay 62 boqolkiiba codadka dadweynaha oo ilaa iyo hadda la tiriyay 90 boqolkiiba, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan kooxaha doorashada isaga oo aan shaaca ka qaadin tirada saxda ah ee dadka u soo baxay doorashada.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa shacabka dookhooda,” ayuu yiri madaxweynaha xilka banneynaya Hassan Rouhani, oo laba jeer oo min afar sana ah xilka soo hayay, xafiiskana ka tagaya bisha August.

Samal Orfi oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in la tiriyay 90% codadka, walina uu si weyn u hogaaminayo Ibrahim Raisi.

Guusha Raisi ayaa aheyd mid ay wada filayeen dadka reer Iran, ka dib markii uu si kal iyo laab ah u helay ayidaadda hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Ibrahim Raisi oo ah 60 jir ayaa ka mid ah culimada ugu caansan Shiicada, wuxuuse ku jiraa liiska saraakiisha Iran ee uu Mareykanka cunaqabateynta saaray, ka dib markii lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha xilka ka sii dagaya Hassan Rouhani ayaa Sabtida maanta xafiiskiisa ku booqday Raisi si uu ugu hambalyeeyo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Mohammad Javad Zarif ayaa isna sheegay in Raisi uu si wanaagsan u hoggaamin doono Iran.

XS
SM
MD
LG